Akhriyaan erayga Ilaah oo ku saabsan internetka
Aayadda MaantaHaddii xumaanu gacantaada ku jirto iska fogee, Oo xaqdarrona yaanay teendhooyinkaaga degin
Ayuub 11:14
Kitaabka Quduuska ah wuxuu leeyahay laba qaybood oo kala ah: Axdigii Hore iyo Axdiga Cusub. Axdigii Hore waxaa la qoray wakhtigii nebi Muuse [waa 1400 oo sannadood ka hor dhalashaddii Sayid Ciise Masiix] ilaa iyo nebi Malaakii [waa 400 oo sannadood ka hor dhalashaddii Sayid Ciise Masiix].
Axdiga Cusubna waxaa la qoray dhalashaddii Sayid Ciise Masiix ka dib, waxaana qoray rasuulladii Masiixa ee goob jooga ahaa. Axdigii Hore iyo Axdiga Cusub, labadaba waad u baahan tihiin.
Ma garan kartid Axdiga Cusub ka Hore la'aantiis; sidaas oo kalena ma garan kartid Axdigii Hore ka Cusub la'aantiis. Labada qaybood ee Kitaabka lama kala saari karo oo waa sida silsilad isku xidhiidhsan.
Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan
Matayos 24:35
Wiilkaygiiyow, erayadayda dhegayso, Oo hadalladaydana dhegta u dhig
Maahmaahyadii 4:20
adku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan, laakiin waa inuu eray walba oo afka Ilaah ka soo baxa ku noolaado
Matayos 4:4
Kitaabkan sharcigu waa inaanu afkaaga ka tegin, laakiinse waa inaad u fiirsataa habeen iyo maalinba
Yashuuca 1:8